Items (0)
Total: $0.00

doTERRA Caddeyn ku aaddan u Hogaansanaanta Xeerka Anshaxa ee allaab-qaybiyaha


Face Sillhouette
Face Sillhouette


Audio Icon

Xeerka-Shaqaalaha-Rayidka-Xeer-Lr.-31-2020


Waa maxay xuquuqda aad goobta shaqadda ku leedahay?

Dhibaatooyin la xidhiidha dhanka jinsiga Makala kulantay goobaha shaqada ama meelaha lagu bixiyo adeegyada bulshada?

HORDHAC

Hadafka doTERRA waa in la helo heerka tayada ugu sarreysa adduunka ee saliidaha aasaasiga ah, ayadoo arrinkaas lagu hergelinaya adeegsiga awood dhanka wanaagga ah. doTERRA waxay meel-marisay ballanqaad rasmi ah oo ku aaddan in la abuuro saameyn togan, taas oo loo marayo hawlaheeda ganacsi iyo hab dhaqankeeda. Mudnaantan waxay gaadhsiisantahay meel kasta oo ay gaadho silsiladda badeecadda doTERRA, ayada oo ay naga go’antahay la shaqeynta macaamiisha inagala shaqeeya silsiladda ganacsiga si loo dhiso is-dhexgal ballaadhan loona abuuro qiimaha saamiga, taas oo loo marayosoo saarista saliidaha asaasiga ah.

Xeerka Anshaxa alaab-qeybiyaha doTERRA wuxuu qeexayaa heerar ku sumadeysan cadaalad, badqab iyo wada shaqeyn caafimaad leh, meel kasta oo caalamka kamid ah oo ay ka jirto silsiladda dhoofinta alaabaha doTERRA. Heerarka Xeerkani waxay ku saleysan yihiin Mabaadii‘da Ururka Shaqaalaha Aduunka ee loo yaqaana (ILO) iyo sidoo kale dhaqamada shaqada wanaagsan ee caalami ahaan loo aqoonsan yahay. Dhammaan alaab-qeybiyeyaasha la door biday waa inay u hoggaansamaan Xeerkan Anshaxa iyo xogta alaab-qeybiyaha oo faahfaahsan. Shuruudaha Xeerkan waxay khuseeyaan dhammaan qeybaha alaab-qeybiyeyaasha, oo ay ku jiraan alaab-qeybiyeyaasha, qandaraaslayaasha heerka hoose iyo beeraha. Heerarka waxaa si isku mid ah loogu dabbaqayaa shaqaalaha joogtada ah, kuwa ku meel-gaadhka ah, iyo kuwa habka wakaaladda ku shaqeeya, iyo sidoo kale kuwa calaa-shaqo kharashka lagu siiyo, kuwa mushaharka qaata, kuwa calaa-saacad kharashka lagu siiyo, shaqaalaha da'da yar ee sifa sharci ku shaqeeya (nugulka), kuwa wakhtiga go‘an shaqeeya, kuwa habeenkii shaqeeya, iyo shaqaalaha qaxootiga ah. Waxaan rabnaa alaab-qeybiyeyaal ay ka go'an tahay horumar joogto ah ayagoo horay ugu sii socda safar heer hoose ka bilaabanaya una gudbaya heerka dhaqamada hogaaminta. Dhammaan alaab-qeybiyeyaashu waa inay ogalaadaan qiimaynta la shaaciyay iyo tan aan la shaacin ee doTERRA.

doTERRA waxay alaab-qeybiyeyaasha dhamaantood ka dooneysaa in si degdeg ah loo horumariyo wixii heerarka Anshaxa kamid ah ee aanan wali la buuxinin, iyo inay sidoo kale horumariyaan maamul waara, nidaamka warbixineed iyo dabagal ee hawlaha shaqo, si loo hubiyo u hogaansanaanta iyo hufnaanta hawsha socota. Muddada lagu gaadhayo u hogaansanaanta waa inay noqoto mid macquul ah oo la qeexay. Caddeynta in la saxay wixii anshaxa doTERRA ka dhinaa ayaa sidoo kale loo baahan yahay. doTERRA waxay ballan qaadaysaa inay alaab-qeybiyeyaasheeda ka caawiso hagaajinta shaqada, caafimaadka, badqabka iyo xaaladda deegaan ee goobta shaqada iyo in alaab-qeybiyeyaasha laga caawiyo inay fahmaan sida looga dhaqaaqo heerka " hoose" loona gudbo heer "hoggaamineed" oo waara. Waxaanu aqoonsannahay in dadaalkani uu u baahan yahay in la dhegeysto alaab-qeybiyeyaashayadaiyo baahiyaha shaqaalahooda, taasoo u baahan hab iskaashi ah ayadoo la adeegsanayo qalabka tayeynta awoodda/xirfadaha sida falanqeynta asbaabta aasaasiga ah, tababar, iyo horumarinta nidaamka maamulka si loo meel mariyo isbeddel micna leh.

doTERRA waxay had iyo jeer ku dadaalaysaa inay la timaado dhaqanka ugu wanaagsan ee macquulka ah ee lagula tacaamulo shaqaalaha iyo horumarinta xaalad waarta oo ay shaqaaluhu ku helaan mushahar cadaalad ku saleysan iyo goob shaqo oo caafimaad qabta. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan mas'uuliyadda shirkadeed ee doTERRA, fadlan booqo barta internetka: www.doterra.com.

XEERKA ANSHAXA ALAAB-QEYBIYAHA

  1. SHARCIGA IYO U HOGAANSANAANTA ANSHAXA: alaab-qeybiyeyaasha doTERRA waxaa laga doonayaa inay u hogaansamaan (1) dhammaan shuruucda iyo xeerarka dalka ay shaqaaluhu ka shaqaynayaan; ha noqdo heer gobol, degmo, ama heerka bulshada degaanka; (2) Xeerka Anshaxa alaab-qeybiyaha doTERRA; (3) Kaadhka dhibcaha qiimaynta lagu qoro ee doTERRA (halkii ay khuseyso); (4) Heshiisyo wadajir ah oo gorgortan ku yimid (halkii ay khusayso). Markay timaado kala duwanaanshaha ama khilaaf ku saabsan heerarka, waxaa alaab-qeybiyeyaasha laga doonayaa inay la yimaadaan heerka ugu sarreeya kaasoo ah midka shaqaalaha faa'iidada ugu badan u leh.
  2. SHAQAALEYNTA CARUURTA: Lama ogola in la shaqaaleysiiya qof ay da’adiisu ka yartahay 15 sano, ama da’da wali dhamaysiga waxbarashadu Khasab ku tahay. Shaqaalaha da'da yar (da'doodu tahay 15-17) looma ogola inay qabtaan shaqo laga yaabo inay wax u dhinto caafimaadkooda, amnigooda ama anshaxa. (Axdiga ILO 138 iyo 182)
  3. SHAQADA KHASABKA AH: Lama ogolo in shaqo la isku khasbo, oo uu ku jiro xabsigu, shaqaalaha muddada dheer deyn-gud (lacag la’aan) ku shaqeeya, kuwa ku shaqeeya xeer aysan raali ka ahayn, adoonsi ama noocyada kale ee shaqada khasabka ah. Falalka ka ganacsiga dadku waa mamnuuc. Alaab-qeybiyeyaasha waxaa laga doonayaa inay si wanaagsan ugu kuur kalaan ulana socdaan cid kasta oo gacan saddexaad ah oo ka caawisa shaqaaleynta ama qorista shaqaalaha, si loo hubsado in dadka shaqada usoo raadsada xaruntooda, beertooda ama hawlgalada kale, aanay noqon kuwo ku shaqeeya khasab, khiyaano, cabsi gelin, jujuub ama ayadoo looga dhigayo ciqaab ay ku muteysteen waxay aaminsan yihiin ama cabiridda fikradahooda siyaasadeed. (Axdiga ILO 29, 105, 182)
  4. DHIBAATEYNTA; XADGUDUBKA IYO FALALKA CIQAABIDDA: Shaqaale kasta waa in loola dhaqmo si xushmad iyo karaamo leh: Lama ogolo in shaqaala la gaadhsiiyo ciqaab dhanka jidhka ah, dhanka galmada, dhanka maskaxda ama af-lagaado ama ku xad-gudub ama ganaax lacageed ama ficillo ceebeyn ah.
  5. TAKOOR: Qofna laguma takoori karo dhinac kasta oo shaqada ka mid ah, sida waxyaabaha la xidhiidha qorista shaqada, shaqaaleysiin, magdhaw, faa’ido, waajibaad shaqo, helitaanka tababarrada, horumarka, anshax-marinta, shaqo ka bixinta ama shaqa ka fadhiisinta, takoor ku salaysan jinsiyadda, caqiidada diinta, midabka, jinsiga, uurka, abuurka Eebe ee uu qofku ku dhashay ama xaaladda caafimaad ee la xidhiidhaa, da’ada, waddanka uu kasoo jeedo, abtirsiimo, jinsiga uu ka tirsan yahay, naafo dhanka jidhka ama dhanka maskaxda ah, xaalad caafimaad, xanuun, sifooyin hidda ah, daryeel qoys, xaaladda guurka, maqaam ahaan ruug-cadaa ama halyey waddanka usoo halgamay oo u qalmo inuu noqdo halyey naafa ah (Tani waxay khusaysaa waddanka Ameerika oo keliya), qabiil, xaalad dhaqan-dhaqaale, ra'yi siyaasadeed, kamid noqoshaha ururrada bulsho, koox qowmiyadeed, jirro nooc kasta oo ay tahay oo lagu ilaaliyo sharcida halkaas ka jira. Dhammaan go'aamada shaqaaleynta waa in lagu saleeyaa mabda'a ah fursad shaqo oo loo siman yahay, waana in lagu daraa habab wax ku ool ah oo lagu ilaalinayo xuquuqda soo galootiga, kuwa ku-meel-gaadhka ah ama shaqaalaha xilliyada gaarka ah lagana ilaaliyo nooc kasta oo takoorid ah. (Axdiga ILO 100 iyo 111)
  6. XORRIYADDA KU BIIRISTA URURRADA IYO GORGORTAN WADA JIR AH: Shaqaaluhu waa inay xor u ahaadaan inay ku biiraan ururada ay ayagu doorteen. Alaab-qeybiyeyaashu waa inay aqoonsadaan oo ay ixtiraamaan xaqqa ay shaqaaluhu u leeyihiin xorriyadda ka mid noqoshaha ururrada iyo gorgortanka wadajirka ah. Dhammaan alaab-qeybiyeyaasha waa inay horumariyaan oo ay si buuxda u hergeliyaan habab cabasho oo wax ku ool ah kuwaas oo lagu xallinayo khilaafaadka gudaha, cabashooyinka shaqaalaha, iyo xaqiijinta xidhiidh waxtar, ixtiraam iyo hufnaan leh oo ka dhexeeya shaqaalaha, wakiiladooda iyo maamulka. (Xeerarka ILO 87, 98 iyo 135)
  7. XIDHIIDHKA SHAQADA: Loo-shaqeeyayaashu waa inay qaataan oo ay raacaan xeerarka iyo shuruudaha shaqada ee ixtiraamaya shaqaalaha iyo ugu yaraan, kuwa ilaalinaya xuquuqdooda sida ku xusan xeerarka shaqaalaha iyo kuwa amniga bulshada heer waddan iyo heer caalami.
  8. MUSHAHARKA IYO FAA’ÍDOOYINKA: Waxaan doneynaa oo aan taageernaa inay alaab-qeybiyeyaasha si isa soo tareysa kor ugu qaada heer nololeedka shaqaalaha ayadoo loo marayo habka hagaajinta mushaharka, faa'iidooyinka, barnaamijyada daryeelka iyo adeegyada kale, kuwaas oo ka sarreeya shuruudaha heerka sharciga uu qorayo ee ku aaddan kor u qaadista tayada nolosha. Shaqaale kastaa wuxuu xaq u leeyahay lacag inuu ku helo usbuuca shaqo, taas oo ku filan inay daboosho baahiyahiisa aasaasiga ah iyo tan qoyska, uuna ka helo xoogaa dakhli ah. Loo-shaqeeyayaashu waa inay bixiyaan mushahar u dhigma ama ka badan mushaharka ugu yar ee wakhtigaan jira, hadba koodi sarreeya, waana inuu u hogaansamaa dhammaan shuruudaha sharciga ah ee mushahar bixinta, oo uu bixiya wax kasta oo faa'iidooyin ah oo ku qeexan sharciga iyo/ama heshiiska. Marka lacagta shaqaalahu qaato aanay noqon mid buuxisa baahiyaha aasaasiga ah ee shaqaalaha oo usan jirin dakhli ku filan, loo-shaqeeye kastaa waa inuu la shaqeeyaa doTERRA si uu u qaado tallaabooyinka ku habboon ee lagu xaqiijinayo in si isa soo tareysa loo gaadho mushahar gaadhsiisan heerka la doonayo. ( AxdigaILO 26 iyo 131)
  9. MUSHAHARKA SAACADAHA DHEERAADKA AH: Marka laga soo tago mushaharka saacadaha shaqada ee caadiga ah, shaqaalaha waa in lacag dheeraad ah lagu siiyaa hadii ay shaqeeyaan saacadoka badan kuwii caadiga ahaa ee heshiiska ku qornaa hadba sida uu qeexayo sharciga dalka wax laga soo saarayo ama, dalalka aan sharciyadaas ka jirin, qiimaha lacagta dheeraadka ah waa inay saacadiiba ugu yaraan noqotaa 125% noqotaa. (Axdiga ILO 1 iyo 30)
  10. SAACADAHA SHAQADA: Alaab-qeybiyeyaashu waa inaanay shaqaalaha ku amrin inay shaqeeyaan muddo ka badan saacadaha caadiga ah iyo saacadaha dheeraadka ah ee uu ogol yahay sharciga dalka ay ku sugan yihiin. Shaqada caadiga ah ee todobaadkii la shaqeynayaa waa inaanay ka badnayn 48 saacadood ama inta ugu badan ee uu ogol yahay sharciga dalka wax-soo-saarka, hadba kii yar. Loo-shaqeeyeyaashu waa inay todobaadkiiba shaqaalaha u ogolaadaan ugu yaraan 24 saacadood oo nasasho ah. Saacadaha dheeraadka ah waa inay noqdaan kuwo ay labada dhinac heshiis ku yihiin. Loo-shaqeeyayaashu waa inaysan codsanin in shaqaaluhu ay si joogta ah saacado dheeraadka ah ugu shaqeeyaan. Isugeyn saacadaha caadiga ah iyo saacadaha dheeraadka ah ee todobaadka waa inaanay ka badnaan 60 saacadood ama inta ugu badan ee uu ogol yahay sharciga waddanka wax soo saarka, hadba kii yar. (Axdiga ILO 1)
  11. CAAFIMAADKA IYO BADQABKA: Alaab-qeybiyeyaashu waa inay sameeyaan goob shaqo oo ammaan ah oo caafimaad qabta si looga hortago shilal iyo dhaawac caafimaadka soo gaadha, kuwaas oo dhaca inta lagu guda jiro shaqada, ama ka dhasha hawlgallada xaruumaha iyo qalabka lagu shaqeeyo. Loo shaqeeyuhu waa inuu u qaadaa tallaabooyin iyo hab firfircoon oo ku wajahan caafimaadka iyo badqabka asagoo fulinaya siyaasadaha, nidaamyada iyo tababarrada loogu talagalay ka hortagga shilalka, dhaawacyada iyo ilaalinta caafimaadka shaqaalaha. (Axdiga ILO 155)
  12. CIMILADA: Alaab-qeybiyeyaashu waa inay ilaaliyaan siyaasadaha deegaanka iyo xeerarka qoran waana inay u hoggaansamaan dhammaan sharciyada deegaanka khuseeya, kaararka dhibcaha/qiimaynta ee doTERRA, oo ay ogolaadaan in lala socdo mas'uuliyadda dhanka deegaanka. Warshaduhu waa inay si joogtaoah ula socdaan, oo ay u soo bandhigaan doTERRA, heerka isticmaalka tamartooda iyo kheyraadka dabiiciga ah, sii daynta qiiqa hawada ku baxa, raadadka kaarboonka iyo daadinta qashinka oo ay qaadaan hab horumar leh si ay u yareeyaan saamaynta xun ee cimilada.
  13. BULSHO: doTERRA waxay dhammaan alaab-qeybiyeyaasha iyo shaqaalahooduba ku dhiirigelisaa inay ka qayb qaataan dadaallada samafalka ah ee bulshada maxalliga ah iyo deegaanka lagu taagerayo ayagoo waqtigooda ku tabarrucaya iyo/ama u fidinaya habab kale oo taageero ah. doTERRA waxay taariikh u leedahay taageeridda dadaallada horumarinta iyo caawinta bulshada ayadoo 2008 asaastay hayàdda doTERRA Healing Hands Foundation si ay arrinkaas u meelmariso. doTERRA waxay rabtaa inay alaab-qeybiyeyaasha ay isku fikradda yihiin shuraako wakhti dheer ah la yeelato.
  14. QANDARAAS HOOSAAD: doTERRA ma ogola heshiis-hoosaadyo ayadoon ogolaansho qoraal ah laga helin. Dhammaan dalabaadka soo-saarka saliidda ee qandaraaska lagu siiyay waa in la dhigaa xarumaha ay horay u ansixisay doTERRA, waana siday tahay oo aan waxba waxba laga reebin. Alaab-qeybiyeyaasha tooska ah waxaa looga baahan yahay inay si joogto ah ula socdaan qandaraasle-hoosaadyada la ansixiyay iyo alaab-qeybiyeyaasha si loo hubiyo mas'uuliyadda ka saaraan dhanka bulshada iyo deegaanka ayagoo la isticmaalayo heerarka shuruudaha buuxiya ama heerka ka sarreeya Xeerkan iyo midka kaarka dhibcaha ee doTERRA.
  15. DARYEELKA XAYAWAANKA: Alaab-qeybiyeyaashu waa inay ixtiraamaan daryeelka xoolaha oo ay si isa soo tareysa uga shaqeeyaan sidii ay u qaadan lahaayeen dhaqamada wanaagsan ee bini'aadminimada leh ee ku aaddan xayawaanka ayadoo lagu saleynayo tignoolajiyada casriga ah iyo heerarka ugu wanaagsan ee la heli karo.
  16. IN LA RAAD-RAACI KARO: doTERRA iyo alaab-qeybiyeyaasheedu waxay si wadajir ah mas'uul uga yihiin xaqiijinta waajibaadka ka saaran bulshada iyo deegaanka iyo hufnaanta ku aaddan nuxurka wax soosaarkalaga soo bilaabo beerta ilaa heerka warshadda alaabta soo saarta. Sida kali ah ee looga shaqayn karo yoolkan waa in la helo daahfurnaan iyo raadraacid ku aaddan dhammaan heerarka silsilada ganacsiga. doTERRA waxay uga baahan tahay alaab-qeybiyeyaashu inay si joogto ah ula socdaan oo ay isha ku hayaan dhammaan goobaha la xidhiidha silsiladda ganacsiga iyo in markii la codsado ay bixiyaan macluumaadka daah-furnaanta ee lahaanshaha iyo/ama qandaraas-hoosaadka beeraha, warshadaha, iyo goobaha kale ee wax soo saarka alaabta nada xiriirrka la leh.
  17. IS-GAADHSIINTA ANSHAXA: Dhammaan alaab-qeybiyeyaasha waxaa looga baahan yahay: (1) Xeerkan Anshaxa iyo cinwaanka email gaar u ah cabashooyinka ku wajahan doTERRA waan in lagu dhejiyaa meel muuqata oo ay ku badan yihiin dhammaan shaqaalaha, ayadoo lagu qoraya luuqadaha maxaliga ah ee ay ku hadlaan shaqaalaha, kormeerayaasha iyo maamulku; (2), shaqaalihii horay u joogay iyo kuwa cusub waa inay qaataan tababarro sanadle ah oo la diiwaan geliyay oo ku saabsan halbeegyada doTERRA iyo isticmaalka ciwaanka emailka cabashada ee ku wajacan doTERRA.
  18. TAYO: Tayadu waa natiijada hufnaanta, nidaam karti leh oo si wanaagsan isugu xidhan, iyo xidhiidho wanaagsan. Si taas loo gaadho, kaabacayaasha wax soo-saarku waa inuu leeyahay nidaam tayo leh oo si cad loo diiwaangeliyay iyo qorsha tayada lagu horumarinayo. Nidaamkaas waa in uu ku jiraa xisaabxidhka alaabta "socda" oo la isku halayn lana dhameystiray iyo hababka buuxinaya heerarka tayada ee doTERRA. Xisaabintan waa inuu sameeyaa shaqaale u tababaran xaqiijinta tayada kaas oo dhanka warshadda ka socda. Qofka shaqaalaha ah ee u xilsaaran xaqiijinta tayada waa in la siiyaa madax-bannaani iyo taageerada uu u baahan yahay si uu u bixiyo warbixin aan eex lahayn oo ku saabsan shixnad kasta iyo tayada alaabta la dhameystiray. U hogaansanaanta shuruudaha tayada waxaa kormeera Waaxda Istaraatiijiyada ee doTERRA.

NALA SOO XIRIIR: Haddii aad ka warqabto ku xadgudub xeerka anshaxa ah oo ka jira silsiladda ganacsiga naga, waxaan jeclaan lahayn inaan ogaano. Fadlan inoo soo gudbi adigoo nagala soo xidhiidaya: socialresponsibility@doterra.com. Waxaad inoogu soo qori kartaa luqaddaada maxalliga ah. Dhamaan macluumaadka aan helno si wanaagsan ayaan u xafidnaa sirta iyo xogtaadana waa laguu ilaalinayaa.

XEERKA DHAQANKA IYO MACLUUMAADKA XIRIIRKA CABASHADA WAA IN LAGU DHIJIYAA MEEL MUUQATO OO GUDAHA WARSHADA AH, OO SI XOR AH LOOGA HELI KARO LUQADDA MAXALLIGA AH EE AY SHAQAALUHU YAQAANAAN.

Select Your Continent

Select Your Region

Select Your Location

Select Your Language